Sabtii 10 Jun 2026 {CBB}Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa ka jawaabi waayay dhowr su’aal sababo la xiriira cilaaqaadka ay ka danaynayaan Israa’iil in uu la yeesho Maamulkiisa.
Su’aalo si isdaba-joog ah oo uga yimid dhinaca Wariyaha Barnaamijka waday ayuu ugu dambayn qadka uga baxay, waxaana uu ka meermeeray in uu jawaab ka bixiyo hadallada ay qoreen Warbaahinta Israa’iil ee bannaanka yaalla balse maamulkiisa uu duugayo.
Xirsi ayaa wax laga weydiiyay in Israa’iil ay Saldhig Militari ka dhiganayso Deegaannada Somaliland isaga oo uga jawaabay “Ma doonayo in aan hadda ka jawaabo su’aashaas” Axmed Daaha ayaa u sheegay in Warbaahinta Israa’iil ay sidaas qorayso waxaana su’aashaas la aaday jiho kale isaga oo yiri, “Waxa aan ku faraxsanahay Cilaaqaadka Israa’iil & Booqashada Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda”.
Mar uu soo hadal qaaday Xasuuq uu sheegay in ay u gaysatay dowladdii kacaanka ayaa isla wariye Axmed Daaha ku celiyay sida ay Somaliland u aragto Israa’iil oo dhiig badan ku daadisay Gaza, xasuuq u gaysatay, in ka badan 2 Milyan oo qof ay cunno, biyo la’aan & go’doon isugu dartay ayuu uga jawaabay.
“Waan ka fognahay Falastiin, Masar ayaa nooga dhow Marinka Rafac,” sidaasi waxaa yiri, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland,
Waxaa kale oo la weydiiyay Xirsi Su’aashaan ah, sidee ayaad u qaadaan hal-ku-dhigga “Laa ilaaha illallaah” adiga oo haddana la midoobaya dilaayaasha carruurta ee Gaza?
“Masar, Turkiga, Urdun, Imaaraatka, Morooko & kuwo kale ayaa cilaaqaad la leh Israa’iil sidaas oo kale ayaan noqonaynaa” isla suxufiga ayaa ku celiyay in aanay jirin saldhig ay Yuhuuddu ku leedahay dalalkaas, waxa uu ku gaabsaday in uusan arrintaan hadda ka hadlayn.
Xirsi Cali ayaa markale lagu dhahay “Is qabadsii idinka oo sheeganaya in la idin xasuuqay haddana heshiis la galay Israa’iil oo nafta dhaafisay in ka badan 70,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan Haween iyo Carruur sida uu garaadkooda u siiyay”.
“Kama hadlayo arrinta Gaza ee waxa aan ka hadlaynaa Wadaagga Siyaasadeed ee Israa’iil, mana ahan wax diintu xarimtay arrintaan, oo nabi Muxamed NNKH ayaa la tacaamuli jiray” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Xirsi.
Suxufi Axmed Daaha ayaa yiri “Raali ahaaw mudane Xirsi, Nabiga NNKH lama tacaamulin Dowlad Israa’iil ah ee waxa uu Yuhuudda ula tacaamulay si lamid ah Kirishtaanka, Sidee ayaad isku waafajinee Xadiithka dhashay muslimiintu waa walaalo iyo Israa’iil oo dishay oo aad heshiis la gasheen?”.
Xirsi ayaa Su’aashaas uga jawaabay isaga oo dhinac kale cuksaday “Innagu Diin kuma heshiin ee Siyaasad ayaan isku fahmany” waxaa Isla Axmed uu ku celiyay Maxay tahay Faa’iidada Israa’iil ay ka halayso Somaliland? Waa maxayse faa’iidada Somaliland ay ka helayso Israa’iil
“Waxa aan ka faa’iidaynaa in ay Dowlad noo aqoonsato, Ganacsiga & Is dhexgalkeenna” mar lagu celiyay waxa ay Israa’iil ka faa’iidayso waxa uu uga warceliyay “Israa’iil waydiiya waxa ay naga faa’iidayso” Suxufiga ayaa ku celiyay Sida ay Israa’iil sheegayso waxa ay rabtaa Saldhig Militari iyo In ay Dadka Falastiiniyiinta u rarto Somaliland waxa uu ku gaabsaday “Kama hadlin Arrimaha Falastiin balse tan naga dhaxeysa Israa’iil ayaa kawada hadalnay”.
Marka wax la weydiiyay dhinac aanay Israa’iil ahayn oo aqoonsan waxa uu sheegay in uu Maraykanka aqoonsan yahay balse Wariyaha ayaa ka dhexgalay isaga oo u sheegay in aanay Ameerika aqoonsanayn Somaliland, waxa uu markale ku haftay in 34 sano ay ku noolaayeen aqoonsi la’aan halka billowga Waraysiga uu ku sheegay in 34 sano Dowlad ismaamusho ahaayeen.
Markii Su’aalaha iyo Jawaabaha halkaas gaareen ayaa la weydiiyay mowqifka Somaliland ee Falastiin iyo mowqifkooda Dhulka ay Israa’iil ka haysato, waxa uu si kooban u sheegay in mowqifkooda uu yahay kan Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta.
Waxaa lagu celiyay in mowqifka Somaliland uu yahay in Israa’iil lagula xisaabtamo Dadka ay ku dishay Gaza oo ka badna 70 kun oo Haween iyo Carruur ah, waxa uu Haa balse isla jumbaladaas inta uu waday ayuu dib uga laabtay isaga oo sheegay in aanay arrintaas ka hadlayn.
Axmed Daaha, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Xaaji u sheegay in uusan fahmin Su’aasha uu weydiiyay kana meermeerayo isla markaana uu aadayo meelo kale, waxaana uu dib ugu celiyay isla su’aasha ahayd Mowqifka Somaliland ee dadka Falastiin ay ku xasuuqday Gaza.
Xirsi oo diidan in uu ka jawaabo su’aashaas isaga oo ka dhex eegaya sida ay u saamayn karto cilaaqaadka curdinka ah ee Israa’iil la samaystay maamulkiisa ayaa qadka ka baxay, waxa ay tani keentay in lagu maadsado maadaama Su’aalo fudud uu uga weecday Israa’iil darteed.







