Home WARARKA CAALAMKA Dibadbax ka dhan ah lacagta ku baxday taallo loo dhisay Xildhibaan u...

Dibadbax ka dhan ah lacagta ku baxday taallo loo dhisay Xildhibaan u dhashay Kenya oo ka dhacay Samburu

15
0

Axad 11 Jun 2026 {CBB}Dibadbax ay dhigeen Waalidiin iyo Arday ayaa ka dhacay Iskuul ku yaalla Deegaan Baarlamaaneedka Bariga Samburu kaddib markii taallo loo dhisay Xildhibaan Jackson Lekumontare la sheegay in ay ku baxday 15 Milyan oo Shilinka Dalkaas ah una dhiganta $116,279

Dadka dibadbaxay ayaa sheegay in marka la eego taalladaan iyo lacagtaas la sheegay in ay ku baxday in aanay isku dhaweyn isla markaana la musuqmaasuqay lacagtaas, waxa ay ku goodiyeen in ay sii wadayaan kacdoonkooda ka dhanka ah arrintaan ilaa inta laga soo faragelinayo.

Iskuulka sare ee Gabdhaha ee ku yaalla Deegaanka Samburu ayaa laga dhisay taalladaan oo muran badan dhalisay, waxa ay dadka diidan ay sheegeen in ay la xisaabtamayaan xubnihii Guddiga ahaa ee shaqadaan loo xilsaaray sida ay ku doodeen.

Guddiga Anshaxa iyo la dagaalanka Musuqa ee Kenya ayaa sheegay in uu baaritaan ku samayn doonno mashruucaan, waxaana uu dadka ugu baaqay in ay xaaladda dejiyaan isla markaana ka warsugaan baaristooda sida warka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here