Jimco 16 jun 2026 {CBB}Mareykanka ayaa hoos u dhigay heerka feejignaanta amni ee saldhiggiisa milatari ee Udeid Air Base ee dalka Qadar.
Warkan waxaa werisay wakaaladda Reuters, iyadoo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah oo aan magacyadooda la shaacin.
Digniin dhanka ammaanka ah ayaa laga soo saaray saldhiggan shalay oo Arbaco ahayd.
Sida ay Reuters sheegtay, iyadoo soo xiganaysa hal il-wareed, diyaaradaha millatariga Mareykanka ee Arbacadii laga qaaday saldhigga ayaa hadda si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya.
Laba ilo-wareed oo kale, oo Reuters ku tilmaantay diblomaasiyiin, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha saldhigga, kuwaas oo shalay lagu amray inay ka baxaan, hadda loo oggolaaday inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.
Reuters ayaa sidoo kale la xiriirtay Safaaradda Mareykanka ee Qadar si ay wax uga weydiiso warkan, balse waxay sheegeen inaysan ka hadli karin arrintan.







