Sabti 17 jun 2026 {CBB}Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa baaritaan ku wadda laba mas’uul oo caan ka ah gobolka Minnesota, kadib eedeymo lagu soo oogay oo ah in ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan howlgallada ciidamada socdaalka ee federaalka ee loo yaqaan ICE, waana tallaabo cusub oo sii hurinaysa xiisadda u dhaxaysa maamulka Trump iyo xisbiga Dimuqraadiyiinta ee maamula gobolkaasi.
Guddoomiye Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey, labaduba waa hogaamiyeyaal liberal ah, waxaana ay wajahayaan baaritaan ku saabsan hadallo ay yiraahdeen oo ka dhah an Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE), sida laga soo xigtay bahwadaagta BBC ee CBS News.
Baaritaankani wuxuu daba socdaa xiisado ka dhashay dhimashadii haweeney Minneapolis uu dhowaan ku toogtay sarkaal ka tirsan ICE, taas oo keentay mudaharaadyo ka dhaca guud ahaan dalka ah







