Home WARARKA MAANTA Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS oo lagu eedeyay dagaaladii ka socdeen degmada...

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS oo lagu eedeyay dagaaladii ka socdeen degmada Berdaalle.

25
0

Sabtii 24 August, 2024 {CBB}Guddoomiyaha maamulka gobolka Baay mudane Maxamed Isaaq Caracase oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa uu kaga hadlay dagaaladii muddada labadii sano ka socdeen degmada Berdaalle gaar ahaan midkii ugu dambeyey ee ka dhacay degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa shirkiisa ku sheegay in la dilay hogaamiyihii uu horkacaayay ciidankii maleeyiyaadka ahaa ee ka soo horjeeday nabadda iyo jiritaanka maamulka degmada Berdaalle asigoona sheegay in ciidankaan ay lamid ahayeen kooxda Al-shabaab madaama mar kasta ka soo horjedeen nabad galiyada degmada Berdaalle.

Ciidinkaan maleeshiyaadka ahaa mar kasta waxay diyaar u ahayeen in qalalaaso iyo amni xumo ay ku sameyaan degmada, maamulka iyo shacabkeeda kuwaasi oo dhibaatadaasi mid lamid ah ku haayay kooxda Al-shabaab Marka iyagana shabaab waxba ma dhaamin”

Guddoomiye Caracase ayaa sheegay in marar badan lala hadlay oo loo sheegay in shacabkaan ku nool degmada Berdaalle xiligaani yaraan u aheen in lagu dul dagaalamo oo rasaastaasi wax yeeleyso Bulshada ku nool.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka iyo dhibaatada lagu haayo degmada Berdaalle ay hormuud ka yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda FS degaan ahaan ay ka soo jeedaan KG gaar ahaan degmada Berdaalle.

Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa ka mas’uul ah iyo intii la jirta dhibaatada iyo colaadka ka jirta degmada asigaa ayaa mar weliba dabada ka soo riixaayay Ciidanka maleeshiyaadka ah ee mar weliba ku soo duulaayay degmada kuwaasi oo ugu dambeyn maanta la soo afjaray”

Guddoomiye Maxamed Isaaq ayaa u mahadceliyay ciidamada ku sugan degmada Berdaalle oo habeen iyo maalin u soo jeedeen sidii maleeshiyaankaan looga saarin lahaa degmada Berdaalle iyo degaanada sida dhimaaleysiga ah ku joogeen ayagoo ula dagaatamayeen sidii kooxda al-shabaabka madaama dhibaato ku hayeen shacabka degmada dagaalka iyo isbaarooyinka u dhiganayeen.

Ugu Dambeyntii waxaa Bulshada ku nool degmada Berdaalle ee nabadda jeceyl in ay la shaqeyaan maamulka iyo ciidamada kala duwan si mar kasta looga hortago kuwa duulaanka ku ah nabad galiyada degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here