Talaado 20-Jun 2026 {CBB} Dawladda Imaaraadka Carabta ,ayaa qaaday tallaabo looga jawaabayo dadaallo lagu dhisayo heshiisyo difaac wadajir ah oo u dhexeeya Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga, waxayna maanta Abu Dhabi heshiis difaac oo wadajir ah la gashay Hindiya oo ah cadowga ugu weyn ee Pakistan.
Arrintan waxay ka dhigan tahay in weerar kasta oo Pakistan ay ku qaaddo Hindiya loo arki karo weerar toos ah oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta.
Taasi waxay si toos ah u waajibinaysaa in Imaaraadku uu ciidamo u diro si uu u difaaco Hindiya, haddii xaalad dagaal ay dhacdo.
Abu Dhabi, waxay rumeysan tahay in Sacuudigu ka reebay ama hoos u dhigay doorkeeda Khaliijka, isla markaana uu isku dayayo inuu dalal Islaam ah ku kiciyo ama ku mideeyo arrin ka dhan ah Imaaraadka, iyadoo loo marayo heshiiska difaac ee Hindiya, wuxuu doonaya Imaaraadka inuu muujiyo inuu weli leeyahay xulafo, isla markaana aysan ku go’doonsanayn gobolka.







