Home WARARKA MAANTA DG Puntland oo sheegtay in Deegaannada Maamulkaas ay joogaan Ciidamo DFS ay...

DG Puntland oo sheegtay in Deegaannada Maamulkaas ay joogaan Ciidamo DFS ay Mushaar siiso

13
0

Axad 25, Jan 2026 {CBB}Lataliyaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdi Xirsi Qajrab ayaa sheegay in deegaannada Maamulkaas ay joogaan Ciidamo mushaarkooda ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qarjab ayaa tilmaamay in Ciidamadaas ay la howlgalaan ciidamada kale ee Dowlad-Goboleedka Puntland ay bixiso Mushaarkooda, waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku dhaliilay hannaanka ay ciidankaas u diyaarineyso.

Tirada ciidamada ku sugan Deegaannada Dowladd-Goboleedka Puntland ayuu ku sheegay 1376 Askari, Lataliye Cabdi Qarjab ayaa sheegay in qaar kamid ah Ciidankaas ay qayb ka yihiin howlgalka Hilaac ee ka socda Buuraha ee Maamulkaas.

Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka ee PSF ayaa dhowaan kaalin weyn ka qaatay adkaynta Amniga Madaxda Dowladda Federaalka oo tagay Magaalada Laascaanood xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyaga oo ka qaybgalay Caleemosaarka maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here