Home WARARKA MAANTA Sheekh Dirir “Waa Nasiib darro wayn in dadkeenna qaar ay dhahaan Yuhuudda...

Sheekh Dirir “Waa Nasiib darro wayn in dadkeenna qaar ay dhahaan Yuhuudda ayaa walaalo nahay”

12
0

Axad 25, Jan 2026 {CBB}Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kahor yimid Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxa uu ka digay in laso dhaweysto Yuhuudda oo hagardaamadooda lawada arkayo.

Sheekh Dirir ayaa ku baaqay in laga fogaado fududeysiga waxyaabaha dhaawaca ku ah diinta, waxa uu ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay leeyihiin Yuhuudda iyada oo lawada arkayo ay beegsadeen Dad rayid ah oo dhulkooda jooga.

Arrin khatar ah ayuu ku tilmaamay in dadka Muslimiinta ay isku mashquulaan lana kala saftaan Gaallada, waxa uu arrintaas ku sheegay in ay tahay mid halis weyn wadata lagana dhaxli karo in ay ummaddu halaagsanto isla markaana ku dhex faafo dhulmiga.

“Nasiib darro timid weeye in Dadkeennu qaar dhahaan Yuhuudda ayaan walaalo nahay, Tani waxa ay horseedi kartaa baaba’a ummadda, Walaalnimadeeda in loo baddelo Cadawtooyo waa mid khatar ah” Sidaasi waxaa yiri Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Waxa uu sheegay in dhibaatada Israa’iil ay u gaysatay Falastiin ay ka dhiidhiyeen una uruuriyeen lacag lagu garab istaagay balse maanta aanay habboonayn iyada oo dhibkii uu jiro dhinac kale laga istaago sida uu hadalka u dhigay.

 “Walalaaheen Falastiin waxa aan u uruurinay $2 Milyan oo doollar waqtigu dhibaatadu dhacday, Islaamnimada kama bixin iyaguna kama bixin, dulmiguna wuu jiraa, marka ma ahan in aan raalli ka noqon dulmiga lagu samaynayo” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheekh Dirir ayaa Kala qaybsannaanta Muslimiinta ku sheegay in ay tahay arrin halis ah isla markaana uu alle ku xusay qur’aanka Kariimka, waxa uu bogaadiyay in xoogga la saaro midnimada Bulshada iyo wadatashiga oo guul adduun & Aakhiro lagu gaarayo.

“Kala qaybsannaanta ama tafaraaruqa waa waxyaabaha ummadda ku halaagsanto, Aayado ayuu alle ku sheegay in aan Muslimiintu is khilaafin oo marweliba ka tashtaan arrimahooda” Sidaasi waxaa yiri Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxa uu kamid yahay Culimada Soomaaliyeed ee ka dhiidhisay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed, waxa uu ka digay dhibaatooyinka Yuhuudda ay la damacsan tahay Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here