Arbaco 28 Jan 2026 {CBB}Mas’uuliyiin ka socota Ururka Midowga Yurub ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay kordhinta taageerrada Amniga Soomaaliya iyo Ciidamada ka socda Afrika ee jooga Dalka kuwaas oo ku howlgalla Magaca AUSSOM sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soosaaray kulankaas kaddib.
Xubnaha Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Milatariga Midowga Yurub, Jeneraal Seán Clancy waxaa wehliyay xubno kale oo kaitrsan Ururkaas oo dhankooda ballanqaaday in ay qayb weyn ka qaadanayaan Taageerrada Amniga Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xubnaha ka socday Midowga Yurub la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen Gobollada Dalka iyo guulaha ay ka gaareen.
Midowga Yurub ayaa kamid ah dhinacyada taageera dedaallada lagu xoojinayo Amniga Dalka oo isbaddel muuqda uu ka jiro, waxaa kale uu taageeraa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo fasax ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.







