Home WARARKA CAALAMKA Booliiska Minneapolis oo shaaciyay Xogta Ninka weeraray Ilhaan Cumar & Dambiga lagu...

Booliiska Minneapolis oo shaaciyay Xogta Ninka weeraray Ilhaan Cumar & Dambiga lagu soo oogayo

10
0

Arbaco 28 Jan 2026 {CBB}War kasoo baxay Booliiska Magaalada Minneapolis ayaa lagu shaaciyay Magaca Ninka weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar isaga oo adeegsanaya Cirbad isla markaana jirkeeda uu gaarsiiyay dareerihii ku jiray Cirbaddaas sida ka muuqata muuqaalka tooska ahaa.

Ninkaan waxaa lagu  magacaabaa Anthony James Kazmierczak waana 55 jir, waxa uu Booliisku sheegay in xabsiga la dhigay isaga oo ku eedeysayn dambi ah derajada Saddexaad, waxaana galdacwadeedkiisa loo gudbinayaa Maxkamad sida hadalka loo dhigay.

Intaas kaddib, waxaa hadlay Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey oo dambi xargo goosasho ah ku tilmaamay in uu qofka uu gaaro heer uu si toos ah ugu bareero qof kale, waxa uu xusay in la kala aragti duwanaan karo balse afka aanay dhaafi Karin.

Waxa uu adkeeyay in Minneapolis ay qaadi doonto ciqaab sharci oo adag oo digniin u noqon doonta qof weliba oo isku daya in uu gacan qaado ama beegsado qof kale xitaa haddii uu neceb yahay ama ka aragti duwan yahay qofkaas.

“Rabsho & cabsi gelin meel kuma laha Minneapolis, waan is khilaafi karnaa balse ma ahan mid dulqaadkeenna gaarsiiso heer aan gacan qaado oo aan weerarno qof kale, tani laguma yaqaan Magaaladeenna” Ayuu yiri Jacob, Frey, Duqa Minneapolis.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa dhankiisa ceeb ku tilmaamay in la qalqaliyo munaasabad socotay isla markaana la beegsado mas’uul xil haya oo bulsho metalaya, waxa uu adkeeyay in tallaab sharci ah oo adag laga qaadi doonno Ninkii weerarkaas gaystay.

Waxaa aad loo hadal haya geesinimmada iyo is xakamaynta ay samaysay Xildhibaan Ilhaan Cumar markii uu si toos ah u weeraray Nin watay Cirbad uu kusoo shubay Dareere, markii la xiray kaddib waxa ay sii wadatay hadal jeedinteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here