isniin 25 August, 2024 {CBB}–Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9aad ee qeybta 60aad ayaa howlgal ka sameeyay degaano kuyaalla Koonfurta degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyay tuulooyin kuyaalla wadada xiriirisa degmada Xudur iyo Magaalada Baydhabo, waxaana tuuloyinkaas kamid ah, Baana, Abal iyo Daldiir, halkaas oo la sheegay inay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay joogteyn doonaan howlgalladaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo wadada xiriirisa degmada Xudur iyo Magaalada Baydhabo ee Gobolada Baay iyo Bakool.