Sabti 31 Jan 2026 {CBB} In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen macdan-qodayaal, carruur iyo haween. Qaar ka mid ah dadkaas, ayuu sheegay in la badbaadiyay.
Goobtan ayaa soo saarta qiyaastii shan iyo toban boqolkiiba koltanka adduunka, oo ah macdan muhiim u ah soo saarista taleefoonnada gacanta iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah. Tan iyo 2024, goobtu waxay hoos imaanasay gacanta kooxda fallaagada ah ee M-23.
(In ka badan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa ka shaqeeya warshadaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo shilalka dhimashada keena ay aad ugu badan yihiin.)







