Home WARARKA MAANTA Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS “Shaqo adag ayaa loo soo maray sugidda...

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS “Shaqo adag ayaa loo soo maray sugidda Amniga Dalka”

14
0

Talaado 3 Feb 2026 {CBB}Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Cadaala) oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Inigiriiska ayaa u sharraxay sugidda Amniga Dalka iyo dedaallada lagu bixiyay.

Waxa uu sheegay in Nabadda keliya Muqdisho aanay ka jirin, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya guud ahaan isku xiran tahay isaga oo tusaale usoo qaatay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo iyo kuwo kale oo amni ah.

“Muqdisho waxa ay soo martay heer Khawaariijta dhaqaale ka qaado Ganacsatada xitaa Badeecadda oo Shiinaha taalla, si loosoo afjaro arrintaan shaqo badan ayaa laga qabtay, Amniga Muqdisho oo keliya ma ahan, Goormee idinku dambaysay in aad maqashaqaan qarax ka dhaca Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo & meelo kale, guud ahaan Amniga Dalka wuu isku xiran yahay oo waa laga wada shaqeeyay” ayuu yiri, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdiraxmaan Cadaala.

Waxa uu intaas ku daray in hadda ay dadku ka sheekeesanayaan Doorashada Dalka oo adkayd in muddo kahor lasoo hadal qaado sababo la xiriira duruufaha dhinaca Amniga, Cadaala ayaa sheegay in isku xiranka Dowladihii Dalka isku xigay in ay marba heer soo gaarsiiyeen marxaladda haatan uu dalka joogo sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here