Talaado 3 Feb 2026 {CBB}Diyaaradaha Turkiga uu leeyahay ee F16 ayaa saaka dhoolatus ku sameeyay Magaalada Muqdisho iyaga oo ku socda joog hoose, waxaa la sheegay in ay la socdeen Ciidamo katirsan kuwa Cirka Soomaaliya oo la shaqeynaya ciidankaas ka socda Xukuumadda Ankara.
Dowladda Turkiga ayaa kordhisay iskaashiga dhinaca Amniga ah ee Soomaaliya, waxa ay Soomaaliya usoo dirtay saraakiil katirsan Ciidamada Cirka, Badda iyo kuwa lugta ee dalkaas si ay qayb uga noqdaan Xoojinta Iskaashiga Muqdisho iyo Ankara.
Qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu arkay Diyaaradaha F16 oo joog hoose oo la arki karo ku socda, waxaa wehliyay Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Turkiga horay u keenay Dalka oo ay ku howlgalaan Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Turkiga ayaa xoogga saaray howlgallada Militari ee Soomaaliya, waxaa biyaha Dalka ka jooga Maraakiib kamid ah kuwa ugu casrisan ee dalkaas, kuwaas oo la sheegay in ay ilaalinayaan Shidaalka lasoo saarayo, xeryaha la dhisayo & xarunta Dayaxgameedka ee lagu howlan yahay.
Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay saaka diyaaradaha F16 oo bandhig joog hoose ah ku samaynaya, Ankara ayaa xustay in ay horumar xooggan ku samaysay iskaashiga Militari ee Soomaaliya.







