Home WARARKA MAANTA Sawiro ;- (Baydhabo) Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo bilaabay kormeer iyo wadatashi

Sawiro ;- (Baydhabo) Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo bilaabay kormeer iyo wadatashi

14
0

Talaado 3 Feb 2026 {CBB}Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay wehliyaan Komishin Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Guddiga Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dagay magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Socdaalka wafdiga Guddoomiyaha ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka uu ku kormeerayo gobollada dalka, si loo dardargeliyo howlaha la xiriira diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wacyigelinta dadweynaha, iyo xaqiijinta in doorashooyin xor ah oo hufan ay ka dhacaan dalka.

Inta ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga labada dhinac, xalinta caqabadaha jira, iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, wafdiga Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka ayaa la filayaa inay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha amniga, ururrada bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha kale ee ku lugta leh geeddi-socodka doorashooyinka, si loo helo aragti mideysan oo ku aaddan horumarinta dimuqraadiyadda iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad muhiim ah oo ku saabsan dhismaha hay’adaha dimuqraadiyadda, taas oo Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka ay ku dadaalayaan in ay door weyn ka qaataan hirgelinta hanaan doorasho oo la isku halleyn karo, loona dhan yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal dimuqraadi ah oo ku dhisan cadaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here