Talaado 3 Feb 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dini Abdinur Mohamed, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay kulanka Guddiga Hagidda Mashruuca “Dhisidda Adkaysiga Magaalooyinka ee Isbeddelka Cimilada iyo u-gudbidda Dhaqaale Cagaaran ee Soomaaliya” (Building Urban Resilience to Climate Change and Transitioning to a Green Economy in Somalia).
Kulankan ayaa daba socday shir farsamo oo ay hore u yeesheen khubarada mashruuca, waxaana diiradda lagu saaray dib-u-eegista habraacyada hirgelinta mashruuca, ansixinta qorshayaasha shaqo ee sanadka 2025, iyo dardargelinta howlaha la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada ee magaalooyinka dalka.
Guddiga Hagidda Mashruuca, oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), ayaa kulanka ku ansixiyey habraacyo muhiim ah oo lagu hagayo hirgelinta mashruuca iyo qorshayaasha waxqabad ee sanadkan.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Dini Abdinur Mohamed ayaa si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed u aragto mashruucan, isagoo xusay in adkaysiga magaalooyinka, ilaalinta deegaanka, iyo u-gudbidda dhaqaale cagaaran ay yihiin tiir-dhexaad u ah horumarka waara iyo la-dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka ay dowlad-goboleedyadu ka qaadanayaan hirgelinta mashruuca, xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah, iyo hubinta in mashruucu uu si toos ah uga faa’iideeyo bulshooyinka ku nool magaalooyinka ay saameeyeen isbeddellada cimilada.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo xubnaha kale ee ka qeyb galay kulanka ayaa adkeeyay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow, isla-xisaabtan iyo hirgelin hufan, si mashruucani uu u noqdo mid miro-dhal ah oo wax ka tari kara horumarinta deegaanka, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, iyo adkaysiga magaalooyinka Soomaaliya.








