Talaado 3 Feb 2026 {CBB}Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda ILO iyo Mashruuca ILO/KfW ee Baydhabo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda ay Hay’adda ILO ka fuliso Degmada Baydhabo, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka xaafadaha, iyo taageerada adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa Hay’adda ILO uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso horumarinta degmada, isagoo xusay in mashaariicdaasi ay wax weyn ka tari doonaan nolosha bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal horumarineed oo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.








