Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo xubno ka socday Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay arrimo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka dalka, wada-tashiga hawlaha doorashooyinka, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Dowlad-goboleedyada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Guddoomiyaha iyo wafdigiisa la wadaagay sida ay Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed uga go’an tahay taageeridda hirgelinta doorashooyin hufan, xor ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo dardargeliyo hawlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay qorshayaasha iyo hawlaha socda ee Guddiga, gaar ahaan kuwa la xiriira diyaar-garowga farsamo, amni iyo wacyigelin bulsho si loo xaqiijiyo in doorashooyinka dalka u dhacaan si habsami leh.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha suurtagalka ah ee hortaagan hirgelinta doorashooyinka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta, isku-duwidda iyo wadatashiga joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyin ku saleysan nidaam dimuqraadi ah oo ay shacabka si buuxda uga qeyb qaataan, si loo xoojiyo dowladnimada iyo midnimada dalka.








