Arbaco 4 Feb 2026 {CBB}Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Xaqsoor Village ee magaalada Baydhabo, taas oo lagu soo bandhigay horumarka ballaaran ee ka socda dhismaha xaafadda casriga ah ee Xaqsoor Village.
Munaasabaddan ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey in dhismaha guryaha xaafadda uu si buuxda u billowday, iyadoo guryo dhowr ah la dhammeeyey, halka kuwo kalena ay weli ku jiraan marxalado kala duwan oo dhisme ah.
Intii ay munaasabadda socotay, bulshada ka soo qayb gashay ayaa si faahfaahsan loogu sharraxay fursadaha kala duwan ee dhismaha guryaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin in guryaha lagu dhisi karo qaab murabaxo ah ama in qof walba qarashkiisa gaarka ah lagu dhiso.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in mashruucu ku saleysan yahay qiime jaban oo u fududeynaya bulshada inay helaan hoy casri ah oo tayo leh.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ganacsato, culimaa’udiin, shacabka ku nool xaafadda, iyo marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaas oo dhammaantood muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan mashruuca.
Ugu horreyn, Dr. Xuseen Isgoowe, Maamulaha Guud ee Xaqsoor Group, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo si qoto dheer u sharaxay ujeeddada mashruuca, faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada, iyo doorka ay Xaqsoor Village ka qaadan doonto horumarinta nolosha casriga ah ee magaalada Baydhabo. Wuxuu xusay in xaafaddan ay noqon doonto mid leh adeegyo dhameystiran, isla markaana si toos ah uga jawaabeysa baahida dhabta ah ee dadka deegaanka.
Dhanka kale, mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qayb galay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyey mashruuca Xaqsoor Village, iyagoo ku tilmaamay tusaale horumarineed oo casri ah. Waxay sidoo kale bulshada inteeda kale ugu baaqeen inay maalgeshaan, kana faa’iideystaan fursadaha dhismaha iyo deggenaanshaha xaafaddan casriga ah.
Ugu dambeyn, mashruuca Xaqsoor Village ayaa lagu tilmaamay mid door muuqda ka qaadanaya bilicda magaalada Baydhabo, kobcinta maalgashiga, iyo horumarinta nolol casri ah oo ay bulshada heli karto.



























