Home WARARKA MAANTA Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo guddoon dooranaya

Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo guddoon dooranaya

12
0

Arbaco 4 Feb 2026 {CBB}Magaalada Muqdisho waxaa Maanta Guddoon iska dhex dooranaya Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuql Insaanka Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood, doorashada waxaa goobjoog ka ah mas’uuliyiin kala duwan oo Dowladda katirsan.

Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul-Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddigaan waxa ay horay u horgaysay Baarlamaanka oo 11kii Oktoobar 2025 u codeeyay isla xiligaasina la dhaariyay xubnaha guddigaan.

Guddigaan oo ka kooban 9 Xuboon waxa uu Bishii May sanadkii tagay 2025 kusoo baxay Imtixaan laga qaaday xubnaha Guddigaan oo ugu danbayn la mariyay Baarlamaanka halkaasi waxa uu ka helay codka kalsoonida ee labada Gole BFS.

Soomaaliya ayaa dhismaha Guddigaan waxa ay uga dhigan tahay in ay si madaxbannaan u maamulanayo Arrimaha Xuquuql Insaanka maadaama muddo dheer uu maamulayay Ergay hoostaga Qaramada Midoobay oo fadhigiisu ahaa Magaalada Geneva.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 10kii December 2025 saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo codka kalsoonida ka helay labada Gole ee Baarlamanaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here