Khamiis 5 Feb 2026 {CBB}Dagaal xooggan ayaa ka socda magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kaas oo bilaabmay maalintii shalay ahayd, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, kaas oo hadda ka socda bartamaha magaalada, waxaana uu hakad geliyey isu-socodka
Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada KGS iyo ciidamo kale uu hogaaminayo Sarkaal lagu magacaaabo Cabdirahmaan Nishow ayaa yimid kadib markii la weeraray guri ay ku sugnaayeen ciidamadiisa.
Wararka u danbeeya waxay sheegayaan in saaka oo mar kale dagaalka uu dib u bilowdey dagaalka ka socdo guri uu Baydhabo ka degan yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Soomaaliya Xasan Xuseen Eelay.







