Home WARARKA CAALAMKA Donald Trump oo sheegay in wadahadalka Iiraan uu ka duwan yahay wadaxaajoodkii...

Donald Trump oo sheegay in wadahadalka Iiraan uu ka duwan yahay wadaxaajoodkii hore

14
0

Sabtii 7 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlay wadahadalka dalkiisa kala dhaxeeya Iiraan iyo farqiga u dhaxeeya wadaxaajoodyadii hore iyo kan hadda socda waxa uu xusay in Xukuumadda Tehran ay kasoo dabacday halkii ay horay u joogtay.

Donald Trump ayaa sheegay in mowqifka Iiraan uu yahay mid jilcan uuna muujinayo sida ay ugu diyaarsan tahay wadahadal ay la gasho Maraykanka si ay uga badbaaddo qorshaha weerarka dalkiisa uu u qorsheeyay sida uu hadalka u dhigay.

Carrabka ayuu ku dhuftay in heshiis weliba oo Maraykanka iyo Iiraan wada gaaraan uu ka duwanaan doonno kii sanadkii 2015kii isla marka markaana ay Xukuumadda Washington ay indhaha u haysto sida uu u dhacayo heshiiskaas.

Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyay muuqaallo laga soo duubay Maraakiibtiisa dagaalka iyo Diyaaradaha loo adeegsado weerarrada degdega ah in ay fuliyaan, waxa ay fariintaan muujinaysay sida ay Washington ugu diyaarsan tahay dagaal ay gasho.

Dhanka kale, Diblumaasiyiin u dhashay Dalka Iiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in Xukuumadda Tehran ay diyaar u tahay ka falcelinta duullaan weliba oo uga yimaada Maraykanka iyo Xulufadiisa oo shirqool culus maleegaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here