Sabtii 7 Feb 2026 {CBB}Baydhabo – Isbitaalka Gobolka Bay ayaa qaabilay 54 qof oo shacab ah kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalladii xooganaa ee 4-tii iyo 5-tii bishan Febraayo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira 14 haween ah iyo 17 carruur ah, iyadoo saddex ka mid ah carruurtaasi ay da’doodu ka yar tahay shan sano. Dhaawacyada qaarkood ayaa ahaa kuwo culus, taasoo keentay in toddobo bukaan ay u baahdaan qalliin degdeg ah.
Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa sheegay in laba kamid ah dadka dhaawacmay ay geeriyoodeen isla markiiba kadib markii la soo gaarsiiyay isbitaalka, sababo la xiriira dhaawacyadii culus ee soo gaaray.
Isbitaalka Gobolka Bay ayaa weli wadda dadaallo lagu badbaadinayo nolosha bukaanada kale, iyadoo la tacaalayo caqabado ay ka mid yihiin agab iyo daawooyin xaddidan. Dhacdadan ayaa walaac weyn ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo, kuwaas oo ugu baaqaya in la joojiyo dagaallada saameynta daran ku leh shacabka rayidka ah.
Xegasho ;-Wariye Shukri Ismail Ahmed







