Sabtii 7 Feb 2026 {CBB}Maanta waxaa Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan oo looga hadlayay amniga guud ee magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada, kaddib dhacdooyin amni darro oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha Baydhabo.
Kulankan waxaa Daahfurey oo ka qeybgalay Wasiirka Amniga Dowlada Gobaledka Koonfurgalbeed Hassan Abdukadir,Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, Wasiirka Biyaha, iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha.
Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Degmada, Guddoomiyeyaasha Tabanka Xaafadaha, Gudoomiyaha Dhalanyarada,Hooyooyinka, Dhalinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.
Intii uu socday kulanka, mas’uuliyiinta iyo bulshada ka qeybgaley waxay si qoto dheer uga doodeen dhacdadii amni daro ee dhowaan ka dhacday magaalada iyo tallaabooyinka looga hortagi karo in mar kale ay San dhicin dhacdo noocaas ah
Waxaana si adga loo eedeyey ciidamadii Burcada ahaa ee Foodada ka sameyey Gudaha Magalada ,ayadoo xoogga la saaray wadashaqeyn buuxda oo dhex marta hay’adaha amniga iyo shacabka.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa si gaar ah ugu booriyay Guddoomiyeyaasha Tabanka Xaafadaha, hooyooyinka iyo dhalinyarada in ay door muuqda ka qaataan sugidda amniga, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo lagu arko falal lid ku ah amniga iyo nabadgelyada magaalada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa bulshada Magaalada Baydhabo ugu baaqay in ay si mideysan ugu wada istaagaan ilaalinta amniga, kana hortagaan cid kasta oo dhibaato ku ah nabadgelyada guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.








