Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar

14
0

Axad 8 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Qaahira ee xarunta Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar kula kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi oo ay kawada hadleen dhowr arrin.

Bayaan kasoo baxay Labada Madaxtooyo ee Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu sheegay in Dr Xasan Sheekh iyo Cabdifitaax Siisi ay diiradda saareen Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal & Arrimo kale.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad & xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here