Isniin 9 Feb 2026 {CBB}Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh cutubyada 4aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka oo saddexdii kulan lasoo dhaafay buuq ka socon waayay.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ganaaxay in ku dhaw 50 Xildhibaan kuwaas oo saddex jeer lasoo kala saaray xaanshida Ganaaxooda, sababta ayaa lagu sheegay in ay ka danbeeyeen buuqa uu ka furmi waayay kulamadii lasoo dhaafay.
Ciidamada ammaanka ee Baarlamaanka ayaa la faray in ay celiyaan Xildhibaannada la ganaaxay si aanay gudaha ugu gelin xarunta oo maanta kulan looga hadlayo arrimaha Dastuurka gaar ahaan cutubyada 4aad ilaa 9aad.







