Talaado 10 Feb 2026 {CBB}Dowladda Indonesia ayaa la sheegay in ay ciidamo u dhaxeeya 5 kun ilaa 8 kun ay u dirayso Magaalada Gaza si ay qayb uga noqdaan howlgalka cusub ee Dalalka reer galbeedka gadaal ka riixayaan ee la xiriira qorshaha loogu magac daray Nabadaynta Magaaladaas.
Tani waxa ay Indonesia ka dhigaysaa in ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo ku biira Howlgalka uu Maraykanka sida tooska ah uu doonayo in uu u maamulo ee lagu wajahayo colaadda ku waqti dheeraatay Magaalada Gaza.
Ciidamada Indonesia ayaa la gaynayaa inta u dhaxeysa Rafax & Khaan Yuunis ee Koofurta Magaalada Gaza, halkaasi waa marinka ugu fudud ee gargaar lagu gaarsiin karo dadka ku dhibaataysan Magaaladaas.
Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Yuhuudda ay sida xoogga ah ku haysato ayaa ku warrantay in ciidankaan ay isbaddel cusub u horseedi karaan Dadka uu dhibaatada u gaystay Maamulkooda ee hoggaamiyo Benjamin Netanyahu.
Taliyaha guud ee Ciidanka Indonesia ayaa Warbaahinta u sheegay in ay diyaariyeen ciidamada ay u daabulayaan Magaalada Gaza kuwaas oo wata agab ciidan oo dhammaystiran iyo waxyaabaha looga baahan yahay in ay horay usii qaataan.







