Talaado 10 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Deni oo kamid ah Golaha Mustaqbalka ayaa ka qeyb gali doona shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.
Shirkaasi ayaa diiradda lagu saari doona xaaladda guud ee dalka, sida arrimaha amniga, dagaalka AS, Abaaraha iyo Doorashooyinka.
Sida qorshaha yahay shirka ayaa qabsoomi doona maalinta berri, sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen.







