Home WARARKA CAALAMKA Trump oo Markabkii labaad oo kuwa Dagaalka ah u diray Bariga Dhexe

Trump oo Markabkii labaad oo kuwa Dagaalka ah u diray Bariga Dhexe

9
0

Sabtii 14 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Markabkii labaad oo kuwa dagaalka ah uu diray Bariga Dhexe iyada oo lasoo warinayo in xiisadda dalkiisa kala dhaxaysa Iiraan in ay cirka isku sii shareertay dhowaan.

Markabkaan ayaa ah nooca Xambaara Diyaaradaha Maraykanka, waxaa ilaalo ka ah Maraakiib kale oo ka qaad yar kuwaas oo si dhow uga warqabaya amnigiisa si aan loo beegsan sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Donald Trump ayaa la sheegay in sababta uu Markabkaan ugu diray Bariga dhexe ay tahay sidii uu culayska ugu kordhin lahaa Dalka Iiraan oo ganafka ku dhufatay heshiisyadii cuslaa ee Washington hordhigtay in ay aqbasho Tehran.

Madaxweynaha Maraykanka oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigga Militariga ee Fort Bragg ayaa sheegay in Markabka USS Gerald R. Ford uu sida ugu dhaqsiyaha badan u bixi doonno isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee saaran sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here