Sabtii 14 Feb 2026 {CBB}Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in danbiyadii ugu badnaa ee dhacay sanadkii 2025 ay la xiriireen Xatooyada Hubka Ciidanka.
Shuute ayaa sheegay in Maxkamadda ay dhagaysiga Kiisaska loo gudbiyo isla markaana ay xukuntay dadkii lagu eedeeyay arrintaas oo Xabsi ku jira balse waxa uu bidhaamiyay in loo baahan yahay in si qotodheer loo baaro sababta keentay arrimahaan.
Waxa uu ku baaqay in la baaro waxa keenay ama kordhiyay in Hantida Ciidanka Xatooyo lagu sameeyo diyaarna ay u yihiin in ay galalka Maxkamaddu ay qabatay dib ugu furayaan haddii loo baahdo in baaris lagu sameeyo sida uu yiri
“Sanadkii ugu danbeeyay ee 2025, dambiyadii ugu badnaa ee la galay marka laga tago kuwa argagixisada waa Xoolaha Ciidanka oo la xaday, Anaga in aan xirno qofka hubka xado oo aan xirno waa Calaamadihii oo lala dagaalamooyo balse ma ahan xididkii” Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa qaadda Kiisas kala duwan sida dadka ku eedaysan in ay katirsan yihiin AS, Daacish iyo Ciidamada loo xiro in ay gaysteen Dilal, dhac iyo xadgudubyo kale kuwaas oo dhagaysiga garmaqalkooda kaddib xukun lagu rido.







