Talaado 17 Feb 2026 {CBB}Dowladaha Soomaaliya & Turkiga ayaa iska kaashaday dib u dejinta Dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay Deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyada oo inta la dhisay loo bixiyay (Tuulada SomTurk).
Munaasabadda Daahfurka guryahaas dadka loo dhisay waxaa goobjoob ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallim Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud & Taliyaha Xerada TurkSom, S/Gaas Sebahattin Kalkan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran dib u dejinta Dadka ay saamaynta taban ku reebaan colaadaha isaga oo xusay in ay dib ugu dhisayaan guryahooda.
“Dad Deegaanka ah oo guryahooda ka burburay in dib loogu dhisay, tani waa billow waxaana rajaynayaa intaas iyo ka badan in aan u dhisno, Adeegyadii maqnaa ayaa dib usoo noqonaya, waxaa naga go’an in uusan deegaankaan markale cadawga dib ugu soo noqon” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Turkiga ayaa horay Sabiid iyo Caanoole dib u dhis ugu sameeyay Buundooyinkii muhiimka u ahaa isu gudubka labada dhinac oo ay burburiyeen ‘AS’ waxaana sare loo qaaday ammaanka oo muhiim u ah degenaashiyaha Dadkaas.







