Home WARARKA MAANTA Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay qadada uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay qadada uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

6
0

Talaado 17 Feb 2026 {CBB}Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa aqbalay in ay tagaan kulanka qadada ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyay, kulankaan oo aan si rasmi ah loo shaacin halka uu ka dhacayo.

Kulan wadatashi ah oo waqti kooban socday oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu ku yeeshay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayuu ugu dambayn aqbalay Golahaas in uu xaadiro kulankaas qadada ah sida wararku sheegayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay si toos ah u fadhiisan doonna Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo wadajira kaas oo looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland December 2025.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xubnahaan si hordhac ah ugala hadlaya wadahadallada u billaabanaya labadaan dhan si loo guda galo ajandayaasha ay kala wataan ee miiska wadaxaajoodka lasoo dhigayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here