Home WARARKA MAANTA Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?.

Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?.

6
0

Arbaco 18 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aqoonsiga hal dhinac ah ee Israel ay siisay Somaliland uusan wax faa’iido ah u lahayn Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Erdoğan, oo hadalkan ka jeediyay isagoo garab taagan Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed intii uu ku sugnaa Addis Ababa, ayaa ugu baaqay waddamada gobolka inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo iskaashi, iyaga oo ka fogaanaya faragelin shisheeye.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisu ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, isla markaana uu sii wadi doono taageerada xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here