Arbaco 18 Feb 2026 {CBB}Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynihii hore ee Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa weerar toos ah ku qaaday Madaxweynaha haatan xilka maamulkaas haya ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro isaga oo ku dhaliilay in uu qarinayo heshiiskii fashilmay ee Israa’iil uu la galay.
Biixi ayaa carrabka ku dhuftay in ilaa haatan aanay jirin wax loosoo bandhigay Shacabka iyo Siyaasiyiinta si ay u ogaadaan heshiiskaas maadaama warar is dhaafsan ay kasoo kala baxeen dhinacyada Cabdiraxmaan Cirro iyo Benjamin Netanyahu.
Waxa uu tooshka ku ifiyay shaki xooggan oo ku hareersan aqoonsigii uu Cabdiraxmaan Cirro ka raadiyay Israa’iil ee guuldaraystay marka la eego sida Dunida ay uga hor timid iyo waji-gabaxa ay Yuhuudda kala kulantay socodsiintiisa.
“Xukuumadda Cirro weli sooma bandhigin waxa ay kula heshiisay Israa’iil, taana waa laga sugayaa, Geeska Afrika ee aan ku nool nahay waxaa kusoo kordhay saansaan colaadeed sida bariga dhexe oo kale” Ayuu yiri, Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynihii hore ee Maamulka Waqooyi Galbeed.
Arrinta Aqoonsiga Netanyahu ayuu sheegay in ay indhaha kusoo jeedisay Maamulkiisa isla markaana ay midaysay Masar iyo Turkiga oo adkayd in muddo dheer ay ku heshiiyaan ama isku raacaan arrimaha taagan oo tallaabadaas Israa’iil ay ku midoobeen.
Buuq siyaasadeed oo la xiriira sababta Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay u daboolayso guuldarrada siyaasadeed ay kala kulantay aqoonsigii ay ka raadisay Israa’iil ayaa ka jira deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed.







