Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Laftagareen oo hambalyo u diray Shacabka iyo Muslimiinta Caalamka bilashada Bisha...

Madaxweyne Laftagareen oo hambalyo u diray Shacabka iyo Muslimiinta Caalamka bilashada Bisha Ramadaan

4
0

Arbaco 18 Feb 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ramadaanku yahay bil fadli badan oo lagu kordhiyo cibaadada, iscafinta iyo isu naxariisashada, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka faa’iideystaan khayrka iyo barakada bisha barakeysan.

Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in bisha Ramadaan ay tahay fursad lagu xoojin karo midnimada, walaaltinimada iyo caawinta dadka danyarta ah, isagoo shacabka ugu duceeyey in Alle ka aqbalo soonka, salaadda iyo acmaasha suuban.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa yiri: “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Alle ha inaga dhigo kuwo ka faa’iideysta fadligeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here