
Sabtii 21 Feb 2026 {CBB}Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Israa’iil ay welwel xooggan ka qaadday dhaqdhaqaaqa Maraykanka uu doonayo in uu ku qaado Dalka Iiraan, hanjabaaddii ka timid Xukuumadda Tehran ayaa hurdada u diiday Maamulka Yuhuudda.
Goobaha Caafimaadka ee lagu daweynayo Dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ugu danbeeyay ee Israa’iil ay gashay iyo duqaymihii ku hoobtay oo dhaawacyo culus dad badan kasoo gaaray kuwaas oo ilaa hadda ku jira Isbitaallo kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Xukuumaddiisa amray in ay dhaqaale badan ku bixiso sidii bukaannadaas looga saari lahaa goobaha Caafimaadka iyada oo la geynayo dhismo ku hoos yaalla Dhulka oo muddooyinkii danbe la dhisay.
Iiraan ayaa heegan buuxa gashay, waxa ay saacado kahor sheegtay in ay jawaab culus bixin doonto oo ay weerari doonto dhammaan saldhigyada Maraykanka ee Gobolka isla markaana ay badda ku dari doonto Maraakiibta Dalkaas iyo xulafadiisa leeyihiin.






