Home WARARKA CAALAMKA Badda Mediterranean oo laga helay maydadka 8 ruux oo Tahriibayaal ah

Badda Mediterranean oo laga helay maydadka 8 ruux oo Tahriibayaal ah

4
0

Axad 22 Feb 2026 {CBB}Badda Mediterranean ayaa laga helay maydadka 8 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo la sheegay in ay ka kala safreen Dalalka Liibiya iyo Giriigga oo kala dhaca Qaaradaha Afrika & Yurub sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo xogtaan la socday.

Shan qof waxaa maydkooda laga helay Dhanka Liibiya, halka saddexda kale dhinaca Giriigga laga helay, waxaana socda baarista Dad kale oo la waayay kuwaas oo loo badinayo in ay ku qarqameen Badda Mediterranean sida laga soo xogtay ilo wareedyo.

Sarkaal katirsan Booliiska Liibiya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Maydadka shanta qof ah in laga helay Magaalada Xeebta leh ee Qasra Al-Khayaar oo aan sidaas uga fogayn Caasimadda Dalkaas ee Tripoli.

Mas’uul katirsan Dowladda Giriigga ayaa dhankiisa shaaciyay in saddex qof ee dhintay laga helay Xeebaha Crete, waxa ay tani sii kordhisay diiwaanka dadka ku dhintay Badda Mediterranean maadaama ay maraan Tahriibayaasha.

Liibiya iyo Giriigga ma sheegin dhalashada Dadkaan balse tilmaam ay ka bixiyeen waxa ay ku sheegeen in maqaarkooda uu madow yahay taasina ay muujinayso in ay kasoo jeedaan Dalalka Midabkaas u badan ee dhaca Qaaradda Afrika.

Durba waxaa dhacdadaan lagu xiray in dad dhowaan la badbaadiyay oo la socday doomo ka samaysay baco la aaryeeyay iyo kuwa Alwaax kuwaas oo intooda badan la badbaadiyay kana soo jeeda Dalalka Masar & Suudaan ee Waqooyiga Qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here