Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista Dastuurka ayaa maanta wareejinaya saddexda cutub ee ugu dambeeya Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka isaga oo ku wareejin doonna Guddiga dib u eegista iyo la socodka wax ka baddelka Dastuurka ee Labada Aqal Baarlamaanka JFS.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kulan yeeshay Guddiga Madaxabannaan ee dib eegista Dastuurka Dalka oo kawada hadlay sidii ay maanta ku wareejin lahaayeen saddexdaas cutub ee dhiman si loo mariyo hannaanka Baarlamaanka Dalka lagu gaarsiiyo.
Guddigaan ayaa horay uga soo shaqeeyay cutubyadii ugu horreey ee Dastuurka Dalka, waxaa lagu guulaystay in uu Baarlamaanka labadiisa aqal ansixiyo cutubyada 1aad ilaa 4aad, halka haatan uu gabagabo u yahay 5aad ilaa 9aad, waxaana xigaya saddexda cutub ee ugu danbeeya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sidii wax ka baddel loogu samayn lahaa qodobo kamid ah Dastuurka Dalka, qaar kamid ah Xildhibaannada Labada Aqal iyo xubnaha Mucaaradka ayaa diidmo kala hortagay wax ka baddelka qodobada qaarkood.







