Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Dalka ayaa shaaciyay Degmooyinka lagu qabanayo Doorashada Dowladaha Hoose ee Dowlad-Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari.
Dib ugu laabasho ayuu Guddiga ku sameeyay Jadwal uu horay u shaaciyay isaga oo tilmaamay in dib u sixid lagu sameeyay isla markaana jadwalkaan cusub uu yahay kan lagu hagayo qabsoomidda Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Afarta Dowlad-Goboleed.
Guddiga ayaa Degmooyinka lagu qabanayo Doorashooyinka ka saaray Degmada Goldogob oo 25kii May sanadkii 2023 ay ka qabsoontay Doorasho uu qabtay Dowlad-Goboleedka Puntland lagana saaray jadwalka cusub sida bayaanka lagu xusay.
Halkaan ka aqriso jadwalka cusub


Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa dhowaan sheegay in la diyaariyay kaararka dadkii horay loo diiwaangeliyay lana siinayo Dadkii lahaa si ay uga qayb galaan codaynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Dowlad-Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Koofur Galbeed & Waqooyi Bari.







