Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa soo dhawaysay wadahadallada Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si ay uga xaajoodaan arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo geeddi socodka Dalka.
Waxa ay Dowladda Federaalka & Mucaaradka ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadalkooda isla markaana xoogga ay saaraan sidii ay uga maria dhalin lahaayeen wadahadalka cusub ee u billowday sida hadalka Safaaradda loo dhigay.
“Waxa aan soo dhaweyneynaa kulamada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, inkasta oo aan la gaarin hadaf muuqda balse waxa aan ku bogaadinayaa in ay sii wadaan dedaallada xalka lagu gaarayo, waxa aan dhammaan dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa in lasii wado wadahadalka” Sidaasi waxaa lagu yiri, Warka kasoo baxay Safaaradda UK ee Soomaaliya.
Sidaan oo kale waxaa soo dhaweeyay wadahadallada dhowaan u furmay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay, waxa ay adkeeyeen in xoogga la saaro isu tanaasulka iyo is afgaradka.
Shirkii ugu dambeeyay ee Dowladda Federaalka & Mucaaradka ayay labada dhinac isku fahmi waayeen qodobo ku adkaaday labadooda, waxaa billowday dedaallo hoose oo markale lagu raadinayo sidii loo gaari lahaa xalka ugu dambeeya ee loosii wadahadli karo.







