Home WARARKA MAANTA DFS oo laga codsaday in ay sii dayso Suxufi Cabdixaafid Nuur oo...

DFS oo laga codsaday in ay sii dayso Suxufi Cabdixaafid Nuur oo katirsan Somali Cable TV

1
0

Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay xorriyaddiisa dib u siiso Wariye Cabdixaafid Nuur Barre oo katirsan Teleefishinka Somali Cable oo waqtigii Suxuurta ay xireen ciidamo katirsan Dowladda sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Maamulka Teleefishinka Somali Cable oo uu katirsan yahay Cabdixaafid Nuur Barre ayaa codsaday in lasii daayo Wariyahaan maadaama aanay jirin warqad Maxkamad kasoo baxday oo lagu xiray Suxufiga sida hadalka loo dhigay.

Xogta Dadka xiray Cabdixaafid ayaa lagu sheegay in ay isugu jireen Ciidamo ku labisan dharka ciidanka iyo kuwo kale oo dharka shibilka ah watay, waxa ay ku kaxaysteen Gaari nooca Soomaalida u taqaan Cabdi Bile.

Dhinacyada kale ee ka hadlay Xarriga Cabdixaafid Nuur Barre waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaareyaal hore Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale oo dalka xilal kasoo qabtay iyo kuwo kale oo haatan xilal haya.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin xariga Cabdixaafid Nuur Barre, waxaana laga codsaday in ay dib xorriyaddiisa u siiyaan isla markaana ay soo bandhigaan sababta keentay in xorriyadda laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here