Talaado 24 Feb 2026 {CBB}Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay wada hadalladii fashilmay ee maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka.
Qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay Fiqi ayaa sheegay in Dowladda si xilkasnimo leh u aqbashay dalabka Mucaaradka ay ka soo saareen shirkii Kismaayo.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in markasta ay Mucaaradka ka shaqeynayeen sidii uu fashilmi lahaa Shirka, isla markaasna ay dowladda muujisay tanaasul si ay u yimaadaan Villa Somalia.
“Hoteelada Xalane hanala kugu yimaado ayay la soo shir tageen waa loogu tagay. Villa Somalia in ay yimaadaan ayay ka caga-jiideen waa laga qanciyay dadaal dheer ka dib. Laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado dheer qaatay ka dib, waxay ku Kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay!” ayuu yiri Wasiirka Difaaca XFS.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waa kooxo isku raran, Kala ujeeddo ah, qaarkood hal meel laga soo jiscimay, Dawladda Soomaaliya ayaa Dalka mas’uuliyaddiisa loo dhaariyay, sida afduubka Khawaarijta shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduubka ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka”
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli shalay ay Mucaaradka Dowladda Federaalka ku eedeeyeen fashilinta shirka, iyadoo ku adkeysatay qoddobadii ay ka tabanaayeen.







