Home WARARKA MAANTA Iiraan oo Kenya u sheegtay in ay ka badbaadayso weerarrada ay ku...

Iiraan oo Kenya u sheegtay in ay ka badbaadayso weerarrada ay ku beegsanayso Danaha Maraykanka

3
0

Tuesday 3 March 2026 {CBB}Dowladda Iiraan oo kordhisay beegsiga Saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay Dalalka Carabta ayaa markaan u muuqata in ay u jihaysanayso meelo ka baxday Bariga Dhexe si ay u kordhiso khasaaraha Washington sida xoguhu tilmaamayaan.

Danjiraha Iiraan ee Kenya, Dr Ali Gholampour ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeya Xukuumadaha Tehran iyo Nairobi, waxa uu xusay in uusan jirin dan ku riixaysa in Dalkiisa uu weerar ka fuliyo gudaha Dalkaan dhaca Geeska Afrika.

Safiir Cali ayaa sheegay in ay ogyihiin Saldhigga Maraykanka uu ku leeyahay Kenya balse aanay halis ku ahayn dalkiisa sidaas awgeed aan ku qasbaneen in ay beegsadaan ama weerar ka fuliyaan gudaha Dalkaan.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay beegsan doonto saldhig weliba oo Maraykanka, Israa’iil & xulufada kale ee qaybta kala qaatay duullaanka ka dhacay dalkeeda oo lagu dilay Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalkaas, Saraakiil muhiim ah iyo Dad Rayid ah.

Dad badan oo Kenyaan ah oo la hadlay Warbaahinta Dalkooda ayaa sheegay in ay farxeen markii ay maqleen hadalka ka yimid Dhinaca Iiraan, waxa ay Xukuumaddooda ugu baaqeen in ay ka fogaato wax weliba oo dhibaato ama culays ku noqon kara.

Jabuuti ayaa dhowaan sheegtay in Saldhigga Maraykanka ee dalkeeda uu si tartiib-tartiib ah uga guuray isaga oo xoogga saaray dhinaca Kenya, Washington ayaa diiradda saartay Kenya iyada oo ka dhisaysa Garoon Diyaaradeed oo Taliska AFRICOM adeegsado.

Maraykanka waxa uu dalal kala duwan oo Afrika ah uu ku leeyahay Saldhigyo ku siman howlgallada isla qaaraddaan, uma awood badna sida kuwa dhaca Dalalka Khaliijka iyada oo go’aankaan lagu saleeyay awoodda Gobolka sida macluumadka la helayo ay muujinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here