Home WARARKA MAANTA Hay’adda SoDMA oo ku baaqday in si degdeg ah loogu gurmado Dadka...

Hay’adda SoDMA oo ku baaqday in si degdeg ah loogu gurmado Dadka Abaartu ku saameeyay Dalka

1
0

Tuesday 3 March 2026 {CBB}Hay’adda Maaraynka Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa ku baaqday in gargaar degdeg ah laga gaaro gobollada Dalka oo saamayn taban ku reebtay Abaarta ka jirta, xaaladda ugu adag waa helista biyaha iyo wixii ay cuni lahaayeen Dadka & Xoolaha ay dhaqdaan.

SoDMA oo deegaannada qaar ka billowday biyo dhaamin ayaa sheegay in uusan ku filnayn Dadka iyo xoolaha ay dhaqdaan maadaama dhulka laga keenayo masaafo ay u jirto deegaannda qaar sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay soo arkeen Dad qaarkood saacado badan aan wax cunin kuwaas oo qaarkood billaabay in jirkooda uu isbaddelo sabab la xiriirta cunno la’aantaas haysata.

Gobollada Dalka ayaa kala daran heerka Abaartu gaarsiisan tahay, deegaanno waxaa jira dadkii degenaa ay isaga guureen iyada oo xoolihii ay dhaqanayeen ay tarab-tarab uga dhamaadeen maadaama aysan u heli Karin Biyo iyo daaq lagu naf qabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here