Tuesday 3 March 2026 {CBB}Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa maanta ka billowday ololaha diiwaangelinta codbixiyaasha, waxaana la diyaariyay xarumaha lagu diiwaangelin doonno Dadka Magaaladaas.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay Dadka Degmada Jalalaqsi si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada Dowladaha Hoose oo ay ku tartamayaan Xisbiyada isku diiwaangeliya.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa Dadka Degmadaas ugu baaqay in ay isdiiwaangeliyaan si ay u doortaan xubnaha Golaha Deegaanka ee metala, waxaana sare loo qaaday amniga guud ee Degmadaas.
Doorashada Dowladaha Hoose ee Dadweyne ayaa lagu billaabay Muqdisho iyada oo hirgashay 25kii December 2025, doorashadu waxa ay u gudubtay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.








