Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Tababar u Soo Xiray Cutubyo ka Tirsan...

Sawiro;-Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Tababar u Soo Xiray Cutubyo ka Tirsan Booliiska Gaarka ah

2
0

Khamiis 12 March 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Hassan Cabdiqaadir, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah qaadanayey tababar lagu xoojinayey tayadooda iyo xirfadooda ciidan.

Cutubyadan cusub ee Booliiska Gaarka ah ayaa intii uu socday tababarku ku baranayey xirfado kala duwan oo la xiriira sugidda amniga, howlgalada gaarka ah iyo ilaalinta shacabka, iyadoo sidoo kale la dhammaystiray aqoontooda iyo agabkooda ciidan.

Munaasabadda lagu soo xirayey tababarka ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyey Xildhibaan Ibraahim Xaaji, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku bogaadiyey cutubyadan cusub dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen intii uu socday tababarka, iyagoo ku booriyey inay si hufan uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamada cusub ku dhiirrigeliyey inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay si daacadnimo leh ugu adeegaan bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here