Sabtii 07, Sept 2024 {CBB}Suuqyada Qudaarta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka ayaa waxaa ka jira is bedel hoos u dhac ah dhinaca qiimaha Qudaarta taasi oo saameysay ganacsatada iibisa Qudaarta kala duwan.
Qiyaastii todobaadkii la soo dhaafay tenegii Yaanyo ah ayaa waxaa uu joogay 300 oo shilin soomaaliya ah balse hadda wuxuu joogaa 100 oo shilin soomaali ah taasi oo sameysay ganacsatadii Qudaarta hore ugu soo iibiyeen lacagtaasi madaama sedax meelood labo kamid ah qasaaro ay ku tahay.
Qudaarta kala duwan ee lagu iibiyo suuqayada Qudaarta magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga kala keenaa beeraha Baydhabo, gobolka Gedo iyo gaar kamid ah shabeelòoyinka, waxayna qaarkood ku imanayaan qiimo sare.
Qiimaha la siisto Qudaarta ka soo go’aan beeraha magaalada Baydhabo iyo degaanada kale ee ka tirsan ayaa ah kuwa qiimahooda mqcquulka ah madaama ay heystaan biyo ku filan sidoo kalena aan soo galaynin safar.
Qaar kamid ah ganacsatada Qudaarta ku iibisa magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ganacsatada iyo beeraleyda ay u baahan yihiin dhiira-galin, tababaro iyo agabka kala duwan ee loo isticmaalo beeraha.
“Haddaan nahay ganacsatada suuqyada Qudaarta magaalada Baydhabo wasaaradda ganacsiga iyo maamulka dowladda hoose ee Baydhabo in ay taageero u muujiyaan Beeraleyda iyo ganacsatada Baydhabo si ay saro ugu qadaan wax soo saarkooda”