Sabtii 07, Sept 2024 {CBB}Odiyaasha dhaqanka iyo Ugaaska Beesha Hadamo gaar ahaan reer Khamiisle oo kamid ah beelaha dega gobolada Baay iyo Bakool oo shir jaraa’id yeeshay ayaa waxay kaga hadleen hadal dhawaan ka soo yeeray mid kamid ah xildhibaanada ku matela Baarlamaanka DFS.
Shirka jaraa’id ayaa Ugaaska iyo odiyaash reer Khamiisle waxay kaga hor imadeen oo ku shegeen in hadalka uu yiri xildhibaan Cabdulaahi Aadan Black uu yahay mid asiga u gaar ah oo aan la qabin beeshiisa.
Halka uu yiri Xuldhibaan Cabdulaahi Aadan Black ayaa waxaa uu ahaa sida ay sheegeen mid uu kaga soo horjeeday siyaasadda iyo guud ahaan wax yaabaha ka taagan dalka soomaaliya gaar ahaan degaanada KGS.
Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kursigaas lgu matelo reer khamiisle in lagu difaacaayo shacabka reer KG gaar ahaan beesha iska leh, hadalka uu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Xasan Black oo geska ahaa ayaa waxaa laga raali galinayaa qof kastoo dhibay oo ugu horeyaan Madaxweynaha KG Lafta-gareen, guddoomiyaha Baarlamaanka DF, iyo shacabka reer KG.