Jimco 13 March 2026 {CBB}Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, ciidanka ayaa dhowr jiho ka galay goobo la sheegay in ay joogaan ‘AS’
Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guullo muhiim ah ay ka gaareen deegaanno isku xira Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Maalin kahor Dowladda waxaa u suuragashay deegaanno istaraatiiji u ah isu socodka Jowhar iyo Balcad sida Xawaadleey, waxaana ay halkaas ka dhigteen saldhig ay kaga sii duullaan deegaannada kale ee ‘AS’ gacanta ku hayso.



