Home WARARKA MAANTA Koonfur Galbeed oo beenisay inuu xalay dagaal ka dhacay Baydhabo

Koonfur Galbeed oo beenisay inuu xalay dagaal ka dhacay Baydhabo

2
0

Isniin 16 March 2026 {CBB} Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa beeniyay warar sheegaya inuu xalay dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo, sida baraha bulshada lagu faafiyay.

Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay deggan tahay, isla markaana nolol maalmeedka uu si caadi ah u socdo, inkastoo warar kale ay sheegayaan in hoobiye lagu tuuray mid ka mid ah saldhigyada ciidanka Koonfur Galbeed, kaddibna ciidamadu ay rasaas kaga jawaabeen.

“Baydhabo rasaas kama dhicin. Aniga laftaydu bartamaha magaalada ayaan joogaa,” ayuu yiri wasiirku, isagoo si gaar ah u diiday wararka sheegaya in rasaas laga maqlay magaalada ama in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidanka amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay kooxo ku sugan magaalada Muqdisho inay faafinayaan warar uu ku tilmaamay “been iyo dacaayad,” isagoo sheegay in ujeedadu tahay in la abuuro cabsi iyo jahawareer.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay magaalada barakeysan ee Makka, halkaas oo uu ku gudanayo cibaadada Cumrada.

Waxa uu sheegay in xiriirka u dhexeeya dowlad-goboleedka iyo dowladda federaalka uu caadi yahay, isagoo sheegay in xiisad u dhaxaysa aysan jirin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed uu qarka u saaran yahay inuu burburo, iyadoo loo sababaynayo khilaaf isa soo tarayey oo uu dhexeeyey labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here